Taliska Booliska oo shaaciyay in Cabdicaiis Afrika lagu dilay Qarax Is-miidaamin ah

Taliska Ciidanka Booliska dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxii Caawa dhacay aan gaarigiisa loogu xiran Marxuum Cabdicasiis Afrika oo markii hore la sheegay qaraxaas loogu xiray gaarigiisa, uuna ku qarxay.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in gaariga ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefashinka Qaranka ee SNTV uu ka yimid dhinaca degmada Boondheere gaar ahaan wadada Busley, isla markaana gaariga uu ku booday qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kadibna isku qarxay.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa beeniyay wararka la faafiyay ee sheegay in Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika gaarigiisa loogu xiraya qaraxa lagu dilay, wuxuuna sheegay Afhayeenka in qaraxa uu ahaa mid Is-miidaamin oo uu fuliyay qof.

“Qaraxa sida ay Cadeeyeen Kooxaha Farsamayaqaanada Boliiska  gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere  wadada Busley .ayaa wa halmar Daaqada Gaariga Ku Booday oo Qabsadey Qof isa-soo miidaamiyey.
Sida ay qoraayaaan Dadka ma aha qarax Gaariga lagu xirey, waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda.

Allaha u naxariistee Wariye Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Muqdisho, halka sidoo kalena uu dhaawacmay Agaasimaha SNTN Sharmaake Maxamed Warsame…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor