Taliska Booliska oo ka hadlay Doon siday Mukhaadaraad oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay aheyd gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee degmada Cabdicaiis ee Gobolkaan Banaadir.

Doonta sida maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana gacanta lagu dhigay ragii waday, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigayay doontan iyo waxyaabaha maanka dooriya ay siday ayaa sheegay in ay heleen xogta doonta ayna Ciidamada kahor tageen in waxyaabahaasi magaalada lasoo galiyo.

Afhayeen Cabdititaax Aadan Xasan in maalmahan Muqdisho ka socdeen la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya ayna Ciidamada qabteen warshado lagu sameeyo, waxa uuna Afhayeenka ka gaabsaday in uu faah faahiyo nuucayada maandooriyaha ay qabteen.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay Muqdisho, iyagoo gacanta ku dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kalena noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor