Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii xaafad ka tirsan Magaaladaas lagu dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi Cali Maxamed Maxamuud.
Taliyaha Saldhiga Baladweyne oo shir Jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amniga Magaalada ay dhowr qof u soo qabteen dilkii loo geystay Nabadoon Cali Dheere oo xalay lagu toogtay xaafadda Xaawo Taako, xili uu ku sugnaa halkaas.
Taliye Bishaar Xuseen Jimcaale ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidamada ammaanka ay baaritaano ku wadaan dadka lasoo qatay oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen dilka, wuxuuna sheegay in cid kasta oo ay ku cadaato kiisaas sharciga la horgeyn doono.
Wuxuu intaas kusii daraya in howlaglka laga sameeyay sidoo kale lagu soo qabtay rag dadka dhac u geysanayey, isla markaana ay ku daba jiraan rag kale oo uu Taliyaha sheegay inay ka baxsadeen Magaalada, balse ay soo qaban doonaan, waa sida uu yiri.
Taliyaha Saldhiga Baladweyne laba Xidigle Bishaar Xuseen Jimcaale ayaa shacabka ugu baaqay inay laamaha amniga Magaalada ay la shaqeeyaan, ayna soo sheegayaan cid kasta oo wada amni darro ama dhac u geysaneysa dadka shacabka.
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xalay xaafadda Xaawo Taako ee Baladweyne ku dilay Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka caanka ka ah Magaaladaasi iyo Gobolka, waxaana baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas.