Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyey Qaraxii Muqdisho ka dhacay

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo uu ku jiray qof is qarxiyay, kaasi oo isku soo rakibay Jaakad ay ku xiranyihiin walxaha qarxa, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Cabdifataax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa naftii haligaha uu ka geystay goob maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in dadka dhintay iyo kuwa dhaawac soo gaaray ay ahaayeen shacab ku qaxweynayay maqaayadda.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada amniga ay gaareen durba goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno ku aadan haraadiga waxyaabihii qaraxa ku saabsanaa, isagoo tilmaamay inay Al-Shabaab ay caado ka dhigteen xasuuqa shacabka, balse ciidamada amniga ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gaashaanle Cabdifataax ayaa shacabka ku booriyay inay labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga hortago qaraxyada iyo weerarada inta badan ka dhaca Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor