Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyey Dilka loo geystay Sakariye iyo Sowdo Kalafoge

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyey dil xalay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho loo geystay Wiil iyo Gabar walaalo ah, kuwaasi oo wada saarnaa Mooto Bajaaj mareysay Isgoyskaas.

Afhayeenka Ciidanka Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dilka loo geystay Sakariye Maxamud Kalafoge iyo Sowdo Maxamud uu dhacay abaaro 08:45 ee xalay, isla markaana ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Ciidanka falka u geystay Sakariye iyo Sowdo ay saarnaayeen gaar Cabdi Bile ah, isla markaana Ciidankaas ay ka tirsan yihiin Milateriga, iyagoona rasaasta ay walaalaha ku fureen aheyd mid ku doonayeen inay wadada oo Jaam ah ku furtaan, balse Mooto Bajaajta ku dhacday.

Hay’adda dembi baarista CID-da ayuu caddeeyay Afhayeenka Booliska inay baaris ku wado kiiska oo Ehelada Marxuumiinta ay Gal-dacwadeed ka furteen CID-da, isagoonta intaas kusii daray in Ciidanka dhibka geysteen ay aadeen dhinaca wadada aada Isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falka dhacay, isla markaana waxaa uu tacsi u diray qoyska Sakariye Maxamud Kalafoge iyo Sowdo Maxamud Kalafoge, wuxuuna xusay in Natiijada kasoo baxda baaritaanka socda ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor