Taliska Booliska oo Amar cusub kusoo rogay Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xirnaa qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Ganacsatada Suuqa ay sheegeen in Suuqa loo xiray sababo la la xiriira lacago la sheegay inay Daacish ku rogtay Ganacsatada.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay howlgalo ka sameeyay gudaha Suuqa Baraakada ee degmada Howlwadaag, iyadoona Taliska Booliska amaro kasoo saaray xirnaashaha Suuqa weyn ee Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda Suuqa Bakaaraha ay caadi tahay oo amniga sugan yahay, isla markaana Ciidanka Booliska ay dhex joogaan, si u wada Ganacsadaan Ganacsatada iyo dadweynaha.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan ayaa caddeeyay in Suuqa Bakaaraha uu furan yahay Ganacsiga kala socdo, wuxuuna Ganacsatada faray in cid kasta oo tabasho qabta oo kamid ah Ganacsatada lasoo wadaagan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in goob Ganacsi oo kamid ah Suuqa Bakaaraha lagu xiro amar aan aheyn kan dowladda, isla markaana cid kasta oo isku dayda in amar kale goobo Ganacsi ku xirto ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

Si kastaba Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xireen goobahooda Ganacsi, kadib markii Ganacsatada ay sheegeen in Daacish kusoo rogtay lacago Canshuur ah oo aysan awoodin inay bixiyaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor