Taliska Booliska Nugaal oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Amniga Garoowe

Waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka qabsoomay shir ay yeesheen laamaha ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee Gobolkaas, waxaana inta uu socday looga hadlaayay sugida amniga caasimadda Maamulka ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha hubeysan iyo kuwa Mandooriyaha ka ganacsada, oo saraakiisha amniga ay sheegeen inay beegsan doonaan, si looga hortego waxyaabahaas.

Taliyaha Booliska Puntland Sareeyo Guute Muumin Cabdi Shire ayaa ku amray Sarakiisha inay howlgalada sii wadan dagaal adagna lala galo kooxaha Mandooriyaha iyo waxa loogu yeero Argagixisada si amniga caasimadda Garoowe kor loogu sii qaado.

Sidoo kale u simaha Taliyaha qaybta Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul ayaa warbixin ka dhagaystay Sarakiisha Saldhigyada iyo Rugaha ee Garowe. Taliye ku xigeenka qaybta booliska Nugaal G/le Fardafuul ayaa Sarakiisha ku bogaadiyay shaqada culus ay qabteen iyo heeganka ay ciidamadu ku jiraan.

Shirka aaya waxaa ka qeyb galay Hogaanka Laanta Wadooyinka Puntland G/Sare Cabdifataax Siciid Salebaan iyo Kusimaha Taliyaha qaybta booliska Nugaal ahna Taliye ku xigeenka Nugaa G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor