Taliska Booliska Mudug oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa ka hadlay dagaal xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland iyo rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka amniga Puntland oo howlgal ka wada Xaafado ka tirsan Gaalkacyo ay weerar rasaas ah kusoo qaadeen rag hubeysan oo maandooriga Qamriga ka gancasada.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in falka lagu rasaaseeyay Ciidanka Puntland uu ka dhacay aaga xaafada Garsoor gaar ahaan halka loo yaqaano Cagaarwayne, waxaana intaas kadib weerarka iska caabiyay Ciidanka Puntland.

Taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in weerarka uu ku dhintay hal ruux oo kamid ahaa ragii hubeysanaa iyo qof shacab ah oo rasaasta ay haleeshay, sidoo kalena uusan jirin wax Khasaaro ah oo soo gaaray Ciidanka amniga.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska G/Mudug.

Habeenimadii xalay aheyd Ciidamada Amniga Gobolka Mudug oo Hoowlgalo Amniga lagu xoojinayey ay ku sameeynayeen Gudaha Magaalada Galkacyo.

ayaa waxaa dhacdey xili ay marayeen ciidamada roondada sameeynayey aaga xaafada garsoor agagaar ka cagaarwayne iyo Saliga Warshad Galay dhexdooda ayaa koox Cabtooy ah oo Khamriga ka shaqeeysa ay weerar rasaas ah ku fureen ciidamadii roondada ka hayey Galkacyo aaga u dhaxeeya Cagaar weeyne iyo saldhiga galayda

Markii rasaasta lagu furey kadib ayaa ciidamada amniga hoowlgalka ku jirey ayeey iska difaaceen Kooxdi weerarka soo qaadey.

waxaana halkaasi ku dhintey 1kamid ah kooxdi weerarka soo qaadey. Sidoo kale waxaa ku dhintay qof shacab ah oo rasaas habow ah haleeshay Kooxdaan ayaa aheeyd koox ka ganacsada Khamariga.

waxeeyna ciidamadu ku soo qabteen khamri ku jirey kartoon iyo jawaan. dhanka ciidamada amniga wax qasaara ah kama soo gaarin. Waxaana Ciidamada Amniga Gobolka Mudug ay balan ku qaadayaan in ay sii wadi doonaan ladagaalanka Maandooriyaha khamriga iyo Nooc Walba ah oo Daroogada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media