Taliska Booliska Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland oo la wareegay Gaadiid

Taliska Booliska Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu wareejiyay gaadiid  loogu tala galay in lagu fududeeyo Howlaha Booliska,oo maal mihii ugu dambeeyay waday howgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen degaanada Puntland.

Gadiidka oo ka kooban seddex gaari ayaa waxaa Ciidanka Booliska Puntland soo gaarsiiyay Hay’addaha UNDC iyo INL, kuwaasi oo Seddex-duba ah Gawaari noocoodu yahay loo TOYATA Hilux, waxaana si gaar ah loogu tala galay Xafiisyada CID-da.

Taliyaha Ciidanka Boolisla Dowlad Goboleedka Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa la wareegay gaadiid, isagoo sidoo kale ka mahad celiyay Gawaarida ay ugu deeqeen Hay’addaha UNDC iyo INL.

Ciidan booliska Puntland ayaa dhawaanahaan waxaa ay soo wadeen howlgallo culus oo ay ka sameeyeen magaalooyinka waa weyn ee uu ka arrimiyo maamulkaasi, iyadoo ay gacanta kusoo dhigeen Maandooriye degaanadaasi si qarsoodi ah lagu soo galiyay, iyo shaqsiyaad ay sheegeen in falal amni darro ay ka wadeen Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor