Taliska Boliska Somlaind oo la wareegay Kiiska mulkiilaha Astaan TV .

Cabdimanaan Yuusuf oo ah mulkiilaha Astaan TV.  Ayaa lagu soo waramayaa in ay hagaagsan tahay xaaladiisa caafimaad islamarkaana ayna jirin wax dhibaato ah oo loogeystay

Waxaa xarunta danbi baadhista ee CID-da Hargeysa ku booqday garyaqaano kuwaas oo sheegay in kiiska Cabdimanaan Yuusuf ay hada la wareegeen Taliska Boliska Somlaind.

Booliska waxa ay sheegeen in iyaga shalay uun lagu soo wareejiyay kiiskiisa, intii horena Sirdoonku uu hayay, haatanna ay baadhis ku socoto oo marka ay baadhistu dhammaato la soo taagi doono maxkamadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media