Taliban oo malaayiin tan oo shidaal ah kasoo iibsaneysa Ruushka

Sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in dowladda Afghanistaan ay saxeextay heshiis horudhac ah oo ay malaayiin tan oo shidaal iyo qamadi ah uga soo iibsaneyso Ruushka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasiirka kumeel gaarka ah ee arrimaha ganasciga iyo warshadaha Afghanistan Haji Nooruddin Azizi ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay maamulka Taliban siisay fursado qiimo dhimis ah si Ruushka uu uga iibiyo shidaalka, gaaska iyo qamadiga.

Haddii arrintan la xaqiijiyo wuxuu noqonayaa heshiskii ugu horreeyay ee ku saabsan ay Taliban la galaan dowlad tan iyo markii ay awoodda la wareegeen bishii August ee sanadkii hore.

Dowladda Taliban, ma aqoonsano caalamka waxay la daalaa dhacayeen dhaqaale xumo kadib markii laga saaray nidaamka caalamiga ah ee baananka lacagaha la isugu diro.

Ruushka ayaa kamid ah dalalka fara ku tiriska ah ee safaaradda ku leh Kabul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor