Taliban oo bilawday baadigoobka dadkii u shaqayn jiray Reer Galbeedka

Daalibaan ayaa sare u qaaday baadi-goobka dadka u shaqeeya ciidammada Nato ama xukuumaddii hore ee Afgaanistaan, sida uu ka digay qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Waxay sheegtay in kooxdu ay guri kasta ay baadhayaan si ay u helaan bartilmaameedyadooda, iyaga oo u hanjabaya xubnaha qoyskooda.

Kooxdan Taalibaan ayaa isku dayaysey in ay niyadda u dejiyaan reer Afghaanistaan ​​tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, iyaga oo ballan qaaday inaysan jiri doonin “aargoosi”.

Laakiin waxaa jira cabsi laga qabo in Taalibaan ay haddu wax yar iska beddeshay tii hore ee 1990-maadkii oo lagu eedeeyey in ay fashay falal aad looga naxay.

Digniinta ku saabsan in kooxdu ay beegsanayso “caawiyayaashii reer Galbeedka” waxay ku timid dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta RHIPTO ee Norwegian-ka ah ee Falanqaynta Caalamiga ah, oo xogaha sirdoon siisa UN.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor