Taiwan oo War kasoo saartay xiriirka kala dhexeeya Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Taiwan  Ali Yang ayaa waxaa shalay oo Khamiis aheyd uu sheegay in qorshayaashii dhaqan gelinta xiriirkii diblumaasi ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu soo socon doono, isla markaana uu wanaagsna yahay xiriirka labada dhinac.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in waqtigaan aan dib loo furi doonin duulimaadyada labada dhinac sababo la xiriira  faafida Cudurka halista ah ee Coronavirsus, hayeeshee markii uu damaado Cudurka dib loo furayo.

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Taiwan ayaa waxaa uu tilmaamay in Somaliland ay sii doonaan teerada ku aadan arrimaha diblomaasiyada.

Dhawaan ayay aheyd markii Taiwan aqoonsatay Baasaboorka Somaliland, isla markaana ay kala saxiixdeen heshiisyo Cusub, waxaana halkaas tegay Wasiirka Arrinaha dibadda Maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media