Taiwan oo Somaliland ugu deeqday qalab loogu tala galay Covid19

Taiwan ayaa uggu deeqday qalabka naqaska dadka ka kaalmeeya Somaliland, si loogga caawiyo la dagaalanka cudurka safmarka ee Covid19, sidaasi waxaa laga soo xigtey warbaahin iyo ilo diblomaasiyadeed.

Matooro ay sameeyeen Taiwan, ayaa lagula wareejiyey wasaaradda caafimaadka magaalada Hargeysa 3-dii bishan ee October.

Taiwan ayaa kal hore uggu deeqday Afxirisyada, mashiinada naqaska dadka ka caawiya, dawada gacmaha la isaga masaxo iyo waxyaabo kale oo lagula dagaalo cudurka Covid19.

Labada maamul oo aaney aqoonsan hey’adda Qaramada Midoobay, ayaa ku heshiiyey bishii July sanadkii 2020-ka iney sameystaan xiriir saaxiibtinimo, si ay u wadaagaan qiyamka guud iyo xoriyadda, taasoo ka careysiineysa Shiinaha, oo u arka Taiwan gobol falaaga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor