Taiwan oo Maanta Agab Caafimaad ku wareejisay Somaliland

Taiwan ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Somaliland soo gaarsiisay agab Caafimad oo looga hortego faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay deegaanada Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa agabka Caafimaad ee ka yimid Taiwan kula wareegay Magaalada Hargeysa, iyagoona Taiwan uga mahadceliyay Deeq ay gaarsiisay.

Agabka Caafimaadka ee lagu wareejiyay Somaliland ayaa waxaa ku jiray dharka loogu tala-galay inay xirtaan shaqaalaha Caafimaadka, xiliyada ay aasayaan dadka u dhinta Cudurka COVID-19.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa mar labaad ksuoo laba kacleeyay Cudurka COVID-19, iyadoona halkaas ay xnuunka ugu geeriyoodeen dad farabadan, halka kuwo kalena uu ku dhacay, waxaana xusid mudan in tallaalka Cudurka laga bilbaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor