Tahriibayaal geeriyooday iyo kuwo laga badbaadiyey Dooni degtay

17 Tahriibayaal ayaa ku haftay Dooni shalay ku degtay meel ka baxaan Xeebaha dalka Tunisia, sida uu sheegay Afhayeenka Xafiiska Bisha Cas ee dalkaasi.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta Jawhara FM ee dalkaasi ayaa sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha soo badbaadiyeen 160 Tahriibayaaloo ka mid ahaa Muhaajiriintii la socotay Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Libya.

Dhinaca kale, Dooni ku degtay Xeebaha dalka Libya ayaa la sheegay inay 20 Tahriibayaal ku geeriyoodeen.

Afhayeenada Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM), Safa Masheli ayaa sheegtay inaan weli la ogaanin waxa sababay geerida Muhaajiriintaasi.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya waxay sheegeen inay 7 Dooni oo ay la socdeen 500 oo Tahriibayaal ah gacanta ku dhigeen maalmihii Isniinta iyo Talaadada we isbuucaan.

Tahriibayaasha la qabtay oo ay ku jireen 19 carruur iyo 43 Haween waxaa loo gudbiyey Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta aan Sharciga lahayn ee Mabaani oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor