Tababar ku saabsan habraaca maamulka iyo maareynta xafiiisyada oo Kismaayo laga daah furay

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada  Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa maanta daahfuray tababar ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Jubbaland iyo hay’adda UNDP, kaasoo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda iyo kuwa dowladda hoose ee degmada Kismaayo.

Tababarkan oo ku saabsan habraaca maamulka iyo maareynta xafiiisyada ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada  Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa kula dardaarmay howlwadeenada loo qabtay tababrkan in ay ka faa’iideystaan, bulshadana si wanaagsan ugu adeegan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor