Taalibaan oo sharci cusub ku soo rogtay gabdhaha saxafiyiinta ah

Sharci cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ayaa haweenka looga mamnuucay inay ka soo muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan.

Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan sheegin nooca la isticmaalayo.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan caddeyn oo ay ku habboon yihiin in la sharraxo.

Taalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afgaanistaan ​​bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad badan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado adag.

Kooxda islaamiga ah ee la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa ​​islamarkiiba ku amray gabdhaha iyo haweenka dhalinyarada ah in ay guryahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.

Xilligii ay horey tallada dalka u hayeen ee sagaashamaadkii, ayaa haweenka waxaa laga mamnuucay waxbarashada iyo goobaha shaqada.

Nidaamkii ugu dambeeyay ee tilmaamaha Taalibaan ay soo rogeen ee la siiyay kanaalada telefishinnada Afgaanistaan, ayaa qeexaya sideed xeer oo cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor