Taalibaan oo qabsatay magaalooyin waaweyn oo horleh

Taaliban ayaa la wareegay maamulka degmada Wesh ee ku taal xuduudda Afghanistan ay la wadaagto Pakistan, waxaana degmadan ay noqonaysa tii ugu weyn ee istaraatiiji ah ee kooxdan ay qabsato.

Muuqaal ay sii daayeen Taalibaan ayaa muujinaya calankooda cad oo ay ku qoranyihiin aayaddaha Qur’aanka kariimka ah oo ka babanaya halkii calanka Afghanistan uu ka surnaa ee iridda marinka xadka ee magaalada Wesh ee Afghanistan.

Taliban ayaa maalmihii la soo dhaafay qabsatay marino kale oo waaweyn oo dhanka xuduuda waqooyiga iyo galbeedka dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu kala baxayo dhammaan ciidamada Mareykanka bisha soo socota, waxaana ciidamada Mareykankuna isaga baxeen saldhigoodii ugu weynaa Afghanistan labo todobaad kahor.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Mareykanku u diri doono diyaaraddo gaar ah dabayaaqada bishan si ay u bilaabaan daadgureynta ku dhowaad 2,500 oo reer Afgaanistaan ah oo turjubaanno u ahaa dowladda Mareykanka oo hadda naftoodu ay qatar ku jirto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor