Taalibaan oo dagaal la gashay Ciidamada ilaalada Xuduudda ee Waddanka Iiraan

Ciidamada kooxda Taliban ee gacanta ku haysa dalka Afghanistan ayaa dagaal la galay ciidamada ilaalada xuduudda ee waddanka Iiraan.

Faahfaahin kooban ayaa kasoo baxday isku dhaca labada dhinac oo laga soo tebiyay xadka u dhaxeeya labada waddan ee deriska ah.

Mas’uuliyiinta kooxda Taliban ayaa sheegay in hal askari looga dilay dagaalka oo dhacay shalay oo Axad ahayd.

Labada ciidan ayaa ku dagaallamay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobolka Nimroz ee dalka Afghanistan iyo gobolka Hirmand ee dalka Iiraan.

Labada dhinacba mid walba waxa uu kan kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dagaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor