Taabit Cabdi “Shacabku waxa ay sugayaan in ay Codkooda ku doortaan ciddii Hoggaamin laheyd”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Mxaamed ayaa ka hadlay maqaamka Muqdisho iyo qorshaha doorashada soo socota ee Soomaaliya isaga oo si qota dheer uga hadlay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay kasoo daashay dhiibaatooyin kala duwan oo dib u dhigay dalka sababtayna in ay shacabku cod ku yeelan waayaan arrimaha masiiriga ah.

Dhinaca kalana waxa uu qoraalkiis auga hadlay sida ay muhiim u tahay maqaamka Muqdisho iyo in ay metelaad dhab ah hesho bulshada caasimadda.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan.

Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan.

Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka.

Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media