Taabid Cabdi “Waa nasiib darro kale in 4 sanno kadib Qaraxii Soobe uusan jirin qorshe Amni”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xusuustiisii Maanta oo kale afar sanno kahor qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Taabid Cabdi oo Qoraal dheer soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in 14-October sanadkii 2017-kii ay tahay maalin xusuus iyo xusid mudan oo aan marnaba qalbiyada shacabka Soomaaliyeed ka go’ayn, isla markaana reebtay murugo aan laga soo kaban karin.

Taabid ayaa tilmaamay in isaga shaqsiyan ay u tahay tahay mahadho xanuun badan, maadaama Isgoyska Soobe (14-October) uu isla goobta xiligaas maray wax ka yar 10 daqiiqo, uuna arkay nolosha halkaas ka jirtay qaraxa ka hor iyo markii uu qaraxa dhacay kadib.

Dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee gaarayay 500 oo qof ayuu Alle uga baryay in u naxariisto, sidoo kalena Alle uga baryay inuu qalbi qaboojiyo idilkood intii ay saameysay musiibadaas dhacday.

Taabid Cabdi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in 4 sanno, kadib uusan jirin qorshe amni oo la taaban karo, kaas oo lagu xaqiijin karo badqabka iyo ka hortagga khatarraha, xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada Muqdisho oo waxyeelo kasoo gaarto shacabka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.

14October waa maalin xusuus iyo xusid mudan oo aan marnaba qalbiyadeena ka go’ayn, naguna reebtay murugo aan laga soo kaban karin, iyadoo wili dadka qaarkood aysan nolol iyo geeri midna ku heyn dadkoodii 4 sanno kadib.

Anigu shaqsiyan waxay igu tahay mahadho xanuun badan maadama aan isla goobta maray wax ka yar 10 daqiiqo oo aan arkay nolosha iftiinka laheyd ee goobta ka jirtay qaraxa ka hor iyo markii uu qaraxa dhacay oo aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta tagay iyo sida uu iftiinkii noloshaas mar qura u damey.

Balse ducada, taageerada naf iyo maalka laheyd oo ay dadka Soomaaliyeed isla markiiba inala garab istaageen dal iyo dibedba ayaanan sina lagu hilmaami karin, Rabbi haka wada ajir siiyo.

Sidookale waxaa mahad mudan taageradii caalamka guud ahaan, si gaar Shacabka iyo Dowladda Turkey 🇹🇷 oo koow ka ahaa gurmadkii lixaadka lahaa.

Naxariistii janno Allaha siiyo dhammaan intii inooga shahiiday qaraxii 14kii October 2017, Allahana u qalbi qaboojiyo idilkood intii ay saameysay musiibadaas.

Waxaa xusid mudan in isla xisaabtan dhab ah iyo caddaaladdii ay xaqa u lahaayeen aysan helin dadkii ku shahiiday qaraxii ka dhacay Zoobe iyo dhibanayaashii kaleba, isla markaana cadowgii argagixiso ee ummadda dhibtaa weyn gaarsiiyay ay wili joogaan.

Waxaa nasiib darro kale ah in 4 sanno kadib uusan jirin qorshe amni oo la taaban karo kaas oo lagu xaqiijin karo badqabka iyo ka hortagga khatarraha ay cadowgaas arxanlaawayaasha ah u maleegayaan shacabkeena.

Waxaan qabay, wilina aaminsanahay in qof kasta oo mas’uuliyaddii amni ee ummadda dayacay maalintii 14October2017 lagu sameeyo baaritaan bulshada u furan (14OctoberInquiry) muddada ay doonto ha nagu qaadato balse aanan sina loo duugin, si ay ummaddu caddaalad u hesho. Iyadoo tii Rabbina baaqi tahay maalinta aanan waxba qarsoomeyn ee qiyaamaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor