Taabid Cabdi oo ka Jawaabay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa Jawaabay hadalkii Maanta kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee uu uga hadlay Arrimaha Doorashooyinka dalka dhacaya.

Qoraal uu soo saaray Taabid Cabdi ayaa waxaa uu ku sheegay in hadalkii Guddoomiye Mursal ee ahaa in dalka aysan ka dhici doonin doorasho dadban uu turjumayo dareenka inta badan shacabka oo rajo weyn ka qaba iney xilligan doortaan cida mataleysa ama iyagaba la soo doorto.

Duqii hore Taabid Cabdi ayaa Guddoomiye Mursal iyo Baarlamaanka u sheegay in aysan is qaban laba arrin, isla markaana ay kala daayan, kuwaasi oo kala ah Doorasho qof iyo cod ah ayaa naga go’an iyo xildhibaannada qaar kuraastooda meeshey rabaan ha u qaatan oo hab maamulkii doorashada ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.

Cid walba oo aaminsan in awoodda lagu celiyo shacabka oo ay soo doortaan wakiilladooda waxa uu naga mudanyahay ammaan iyo taageerid, laakiin waxaa muhiim ah is waafajinta waqtiga dhiman iyo dhaqan galinta hannaan ay dadweynuhu kaalin mugleh uga noqon karaan doorashada soo socota.

Hadalkii maanta ee guddoonka Baarlamaanku wuxuu ka turjumayaa dareenka inta badan shacabka oo rajo weyn ka qaba iney xilligan doortaan cida mataleysa ama iyagaba la soo doorto, laakiin Guddoomiye Mursal iyo xubnaha Baarlamaanka waxaan lee yahay labo arrin isma qabatee kala daaya. Doorasho qof iyo cod ah ayaa naga go’an iyo xildhibaannada qaar kuraastooda meeshey rabaan ha u qaatan oo hab maamulkii doorashada ah, isma qabatee ee kala daaya.

Dhinacyada siyaasaddu waa in aaney shareysan hadii la heli karo cod shacab iyo nidaam doorasho oo axsaab ku dhisan, waxaase muhiim ah in laga dooddo maxaa macquul ah, sidee iyo xiligee, iyadoo mar walba niyadda lagu hayo baahidda Shacabka ee ah iney codkooda ku jiheeyaan masiirka Qaranka.

Codka Shacabku wuxuu curin karaa Qaran caafimaad qaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media