Taabid Cabdi oo ka hadlay Shirka Dhuusamareeb fariina diray

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Shirka maalinta berri  Madaxeyneyaasha Maamul Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal uu soo saaray Taabid Cabdi ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Shirka Madaxda Maamulada dalka, isagoona bogaadiyay tallaabada lagu yeelayo shirkaas oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan xaadda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa Madaxweyneyaasha maamulada ugu baaqay inay Isbedel dhab ah ku sameeyaan Dowladnimada Soomaaliya, isla markaana abuuri karta doorasho la isla ogolyahay oo aan lumineyn xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed.

Wadahadalku waa u dawo Dad iyo Dowladba. Shacabka Soomaaliyeed waxay rabaan nabad, maamul wanaagsan iyo wadajir, waana sababta loo dhageysanayo qof walba oo maanta yiraahda waxaan wadaa dib u heshisiin siyaasaddeed iyo mid bulsho.

Waxaan boggaadinayaa kullanka Dhuusamareeb, waxaana ugu baaqayaa madaxda isugu imaaneysa caasimadda Galmudug in ay curiyaan aragti badbaadin karta Dowladnimada Soomaaliya, abuuri kartana doorasho la isla ogolyahay oo aan lumineyn xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in kullanku uu intaas ka ballaarto iyadoo la eegayo waqtiga ka dhiman muddo xilleedka madaxda Dowladda hada jirta, oo wajiga labaad ee shirka ay ku biiraan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Xisbiyada Siyaasadda, si loo helo xal Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media