Taabid Cabdi oo ka hadlay Fatahaadda Webiga shabeelle

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay Fatahaada Webiga shabeelle uu ka sameeynayo Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne.

Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in qoysas badan ay ka Barakaceen Guryihii ay ka deganaayeen Baladweyne, kadib markii uu saameyn weyn ku yeeshay Fatahaada uu sameeynayo Webiga Shabeelle.

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalad bani’aadanimo ay ka jirto Baladweyne, isla markaana waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u sameeyaan dadka halkaas ku dhibaateysan ee u baahan gurmadka.

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood oo ka booban tahay magaaladaas Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi kaqaba in xaaladdu ku sii xumaato.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media