Taabid Cabdi oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Mudug

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii laba Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray Gobolka Mudug.

Taabid Cabdi ayaa sheegay in nasiib darro ah ay tahay dagaalkii saakay ka soo cusboonaaday deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo, isagoona labada dhinac ugu baaqay inay joojiyan dagaalka.

Sidoo kale Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in Maleeshiyaadka dagaalamay la kala dhex dhigo Ciidamo, si ay u joojiyan Colaada uu dhiiga badan ku daatay.

War qoraal ah oo Boggiisa Facebook ayuu uga hadlay dagaalka, waxaana uu u qornaa sidan:

Waa nasiib daro iyo wax laga xumaado dagaallada ka socda bariga Gobalka Mudug. Sida aan xogta ku helnay dhimashada iyo dhaawucuba waa daraasiin, ilaa haddana cid ku baxday in ay joojiso ma jirto.

Walaallaha dagaallamaya waxaan ka codsaneynaa in ay xabadda joojiyaan, oo ay Alle iyo maalinta qiyaamo xusuustaan. Ummada Soomaaliyeed colaad waa ka daashay mana xamili karto iney dad kale uga dhintaan.

Maamullada ka jira Gobalka Mudug waxaan ugu baaqeynaa in ay masuuliyaddooda qaataan oo ay ciidamo kala dhex dhigaan walaallaha sheydaanku isku diray. Waa iney dhaawacyada gurmad u fidiyaan, kadibna ay abuuraan jawi looga hadli karo waxa dhacay, kaasoo keeni kara xal-waara. Sidoo kale Dowladda Federaalka waxaa la gudboon in iyaduna ay qaado tallaabooyin wax ku ool ah.

Allaha kala qaboojiyo walaallaha isma-hurtada ah ee sheydaanku qaaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media