Taabid Cabdi oo farriin Deg-deg ah u diray Hay’addaha Amniga

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Dilkii shalay Askari ka tirsan Ciidanka Dwoladda uu qof shacab ah ugu geystay Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho.

Taabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in aan marnaba la aqbali karin in Ciidanka dowladda Federaalka ay si bareer ah u dilaan shacabkii looga baaga baahnaa inay difaacaan.

Waxaa uu sheegay in dhibaatada ka dhalan karto dilalka ay Askarta Ciidanka dowladda u geystaan dadka biri-mageydad ah ee la tacaalaya nolol maalmeedkooda ay tahay mid halis ah.

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho ayaa ugu baaqay Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dilay marxuum Cumar Xasan oo ahaa Odey Ganacsi daryar ku lahaa Isgoyska Ceel-gaabta, loona dilay muran ka dhashay sigaar.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu saaray Taabid Cabdi.

Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin.

Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan.

Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan.