Taabid Cabdi “Dhacdadii habeen hore wax la aqbali karo ma ahan”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dilkii habeen hore Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Isgoyska Jubba ugu geystay laba ruux oo shacab ahaa.

Taabid Cabdi oo qoraal uu soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in wax ayaan-darro ah ay tahay in Askartii wax badbaadin laheyd ay iyagu sababaan dhimasho, isla markaana waxaa uu rajeeyay in cadaalada la waafajiyo Askarigii fuliyay falkaas.

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa waxaa ka hadlay Bandowga xiliga habeenkii ah ee saaran Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in arrinta Bandowga ay u baahaan tahay wacyigelin ballaaran.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.

Allaha u naxariisto Madiino Cabdullahi iyo Xassan Cali oo ay ciidanku ku dileen Boondheere. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoysaska marxuumiinta, samir iyo iimaanna Allaha ka wada siiyo.

Waa ayaan-darro iyo qalbi jab in askartii wax badbaadin lahayd iyagii dhimasho sababeen. Madaama lasoo xiray gacan-ku-dhiiglihii, waxaan rajeynayaa in cadaaladda la waafajiyo. Arrinta Bandoowga waxay u baahan tahay wacyigelin ballaaran iyo inaan la sahashan halista ka dhalan karta bulsho iyo ciidan aan Bandoow horey u arag.

Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan,kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara.

Shacabkeena waxaan leeyahay madaama Bandoowgii lagu soo celiyay 8:00 fiidnimo, fadlan u hoggaansama, hadii aad aragtaan wax aydan qaadan karin, si nabdoon u bannaanbaxa oo yaanan la isku qaldin askari qalad galay iyo astaamaha Qaranka. Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa in dadka la dhiso ayaa ka horeysa in dalka la dhisaa, si dadku wax u xeeriyaan waqtiyada adag iyo waqtiyada baraarahaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media