Sweden: Xero ay ku jireen Muhaajiriin u badan Somali oo la gubay

 

 Qaxootigaasi oo magaciisa ku soo koobay Axmed waxa uu u sheegay Idaacadda Swedish public radio inuu filayey inuusan ka badbaadi doonin Dabkaasi.

“Haatan, waan bad-qabaa, inkastoo aan khatar ugu jiray inaan ku geeriyoodo dabkaasi” ayuu yiri Qaxootigaas.

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Stefen Löfven ayaa cambaareeyey falka lagu gubay Xeraddaasi oo hoy u ahayd Boqolaal Muhaajiriin u badan Somali.

Isagoo la hadlayey Weriyayaasha waxa uu sheegay inaysan Sweden ahayn Swedentii ay doonayeen inay arkaan.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ammaanka ee dalka Sweden waxay weli baaritaano ku hayaan kooxihii ka dambeeyey dhowr fal oo dab lagu qabadsiiyey Xerooyin ay Qaxooti Shisheeye ah deggan yihiin.

Toddobaadkii hore waxaa dab la qabadsiiyey dhismo ahaan jirtey Dugsi oo la dejiyo Qaxootiga yimaada magaalladda Onsala ee Koonfurta magaalladda Gotherburg.

Sidoo kale,Kooxaha shisheeye-nacaybka Sweden waxay gubeen goobo ay Qaxootiga ka deggan yihiin Degmooyinka Ljungby iyo Arlöv ee Koonfurta Sweden.

Dhinaca kale, Hay’adda Socdaalka  dalka Sweden  ee “Migrationsverket” waxay sheegtay inay qaabileen sannadkan 95,430 Qaxooti cusub oo  magangelyo-doon ah.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor