Sweden oo soo saartay sharciyo adeg oo saameynaya soo-galootiga

Dawladda Sweden ayaa dhawaan soo saartay sharciyo adag oo la xiriira arrimaha bulshada, oo si gaar ah u saamaynaya dadyowga soo galootiga ee dalkaasi qoxootinimada ku jooga.

Sharciyadan oo dhaqan galay billawgii bishan July ayay ka mid yihiin, gudniinka gabdhaha, guurka ay qoysasku caruurtooda u dooraan lamaanaha ay guursanayaan, ama hablaha oo wiilal lagu daro iyaga oo aan isa soo dooran.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in gabdhaha loo diido inay guursadaan qofka ay iyagu doortaan, waxaana shuruudaas ay dhaqan gelisay dowladda Sweden Culeys weyn u arka dadka soo  galootiga ku ah halkaas.

Sharciyada adag oo la xiriira arrimaha bulshada ee ay soo saartay Dawladda Sweden ayaa si rasmi ah u dhaqan galay horraantii Bishaan July ee 2020.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media