Suxufi Maraykan ah  oo lagu xukumay 11 sano oo Xabsi ah

Maxkamad ku taal dalka Mayanmaar ee ay maamulaan ciidamada ayaa xabsi gaaraya 11-sano oo xarig ah ku xukuntay suxufi u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Danny Fenster .

Suxufigaasi oo bishii May lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Yangon ayaa lagu helay saddex eedeymo oo ay ka mid ahaayeen kicin, kacdoon iyo ‘argagixiso’.

Goobtii lagu  Maxkamadeeyay saxafigaasi ayaa la sheegay in loo diiday qeybaha warbaahinta iyo shacabka,sida laga soo xigtay qareenka saxafigaasi.

Danny Fenster, ayaa ahaa tifaftire iyo wariye ka tirsanaa majaladda Myanmar’s Frontier.