Suuqyada Boosaaso oo mar kale Maanta xiran iyo Qeylo dhaan soo yeertay

Waxaa Maanta mar kale xiran Xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo aysan jirin dhaq-dhaqaaqyo Ganacsi ah oo jira, sida aan wararka uga heleyno halkaas.

Qaar kamid ah Gancsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in mar kale Go’aan lagu gaaray in aan la furin Xarumaha Ganacsiga ee Boosaaso, sababo la xiriira sicir barar xoogan oo weli taagan iyo lacagta shilinka Soomaaliga oo qiimo beeshay.

Sidoo kale Gancsatada ayaa tilmaamay in weli uusan maamulka Puntland waxba ka qaban cabashooyin dhowr ah oo ay u gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku aadan diidmada lacagta shilling-ka Soomaaliga.

Gancsatada kunool  Magaalada Boosaaso ayaa Maamulka sare ee Puntland ugu baaqay inay wax badan ka qabtaan sarifka lacagaha qalaad iyo sicir bararka xoogan ee jira saameynta yeeshay, iyagoona Caddeeyay in xarumohoodu ganacsiga ay sii xirnaan doonaan inta laga helayo xal wax looga qabanayo cabashadooda.

Dhinaca kale deegaanada Puntland waxaan maanta ka hirgalay Amar kaso baxay Golaha Wasiirada Puntland oo ahaa  in shirkadaha Isgaarsiinta ay joojiyaan  kudirista Mobile-ka  $1 iyo wixii ka yar iyagoo adeegsanaya edeegyada kala ah SAHAL IYO E-DAHAHB.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media