Suudaan oo looga dhawaaqay xaalad deg deg ah

Jeneral Abdel Fattah Abdelrahman Burhan – oo ahaa madaxa Golaha Sare ee Suudaan – ayaa qudbad uu jeediyay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Waxa kale oo uu kala diray Golihii Sare ee kormeerayay geedi socodka xukunka loogu wareejinayo rayidka, wuxuu sidoo kale kala diray golaha wasiirrada.

Waxaa hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan.

Qoraal lagu baahiyay wasaaradda warfaafinta Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada milatariga ee isku dhafka ah ee hore ugu xiray gurigiisa ay ku cadaadinayeen inuu ku dhawaaqo bayaan taageeraya afgambiga.

Ka dib markii ay diideen inay taageeraan afgambiga, ciidanka ayaa hadda ra’iisul wasaaraha u wareejiyay meel aan la garanayn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor