Soomaliya oo ka qayb gashay shirka wasiirada Tacliinta sare ee wadamada carabta

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha waaxda Hiddaha iyo Taclinnta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa magaaladda Algeris ee Caasimadda Dalka Aljeeriya kaga qeybgalay shirka 18-aad ee Wasiirada Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista ee wadamada Carabta.

shirkaas oo lagaga hadlayo horumarinta tiknaloojiyada tacliinta Sare, Cilmi baarista iyo qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2021-2030-ka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa warbixin ka siiyay wadamada kasoo qeyb galay shirka xaalada Waxbarashadda Soomaaliya iyo hiigsiga mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor