Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweyne lagu qabtay dalka Aljeria

Shirkii 3-aad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) ayaa ka dhacay dalka Aljeeriya magaalo madaxdiisa Aljeris ,iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya,sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shirkaasi Booliiska Afrika waxaa uga qeybgalay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar oo Wakaaladda SONNA uga waramay muhiimadda shirkaasi,wuxuuna xusay in xooga lagu saarayay arrimaha ammaanka sidii la isaga kaashan lahaa guud ahaan booliiska Qaaradda Afrika oo Soomaaliyana ay qeyb ka tahay.

Ajandaha shirkan Afripol waxaa uu ahaa sidii Boliiska Afrika ay iska kaashan lahaayeen la dagaalanka dembiyada Abaabulan, iyo la dagaalanka xagjirka, Sidoo kale dhammaan dembiyada kale ee ka dhaca Qaaradda Afrika.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgashey saraakiil booliis oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya kujirto,kuwaasi oo soo bandhigay aragtiyo kaladuwan eek u aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran.

Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga Qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro,lagana shaqeeyo iskaashiga iyo Horumarinta Ciidamada Booliska Qaarada Africa
Shirkan wuxuu socdey mudo sadex maalin 02 October ilaa 04 October 2019 wuxuuna ku soo gaba gaboobey Guul iyo is afgarad,iyadoo Soomaaliya uu ahmiyad gaar ah u lahaa,maadaama ay ka mid tahay wadamada ka soo kabanaya colaadaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media