Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir Caalami ah oo looga hadlay Waxbaarshada

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, (Cabdullaahi Carab) iyo Wafdi uu Hugaaminaayo ayaa magaalada Dubai ee Wadanka Isku-taga Imaaradka Carabta uga qeyb gelay Shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda Caalamka ee (global partnership for Education) (GPE).

Wasiirka Waxbarashada mudane Cabullaahi Carab oo kulama gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Waxbarashada dalka Tanzania Joyce Ndalichako, Madaxweynahii Hore dalka Tanzania jkaya kikweta oo hadda kamida madaxda Sanduuqa Caalamiga ah iskaashiga Waxbarashada iyo agaasimaha Waxbarashada ee Bank Adduunka  Jaima Haayme, ayaa kala hadlay sidii Waxbarashada Soomaaliya loo gacan siin lahaay iskaasha dhawna uu u dhaxmari lahaa daneeyayaasha Waxbarashadda  Caalamka iyo dowladda Soomaaliya

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Duba Cares iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UAE) ayaa ujeedadiisu tahay in la soo bandhigo fursadaha ay bahda Waxbarashada caalamiga ah ku kaalmeyn karaan baahida waxbarasho ee ka jirta dunida sadexaad iyo sidii ay daneeyayaasha Caalamiga ah uga doodi lahaayeen dib u qaabeynta Waxbarashada Caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor