Soomaaliya oo ka qayb gashay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee Golaha IOM

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa qaybo ka mid ah ku dhuftay abaaro daran, kuwaaasi oo saameeyay dad iyo duunyaba, waxaana Ergeyga Abaaraha Soomaaliya horay uga qayb galay shirar kala duwan oo dhammaantood uu kusoo bandhigayay xaaladaha abaaraha dalka ka jira iyo sidii gurmad loogu fidin lahaaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor