Soomaaliya oo ka qayb galaysa shirka Tamarta iyo todobaadka Batroolka Afrika

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka XFS Xil, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyay shirka Tamarta iyo todobaadka shidaalka Afrika oo ka dhacaya magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Shirkan oo ay isugu yimaaddeen ku dhowaad Afartameeyo Wasirrrada Tamarta iyo Batrolka oo ka kala socda Qaaradda Afrika, Afar boqol oo xubnood oo ka socda shirkadaha gaaska iyo Batroolka soo saaro iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Cabdirizaaq Cumar ayaa sheegay in shirkani uu Soomaaliya u leeyahay ahmiyad gaar ah, maaddaama looga hadlayo sidii ay Afrika isugu filnaan lahayd marka la eego dhanka tamarta iyo sidii aan u kasban lahayn maalgashadayaasha ilaha dhaqaale ee uu waddanku leeyahay.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta waddamada Afrika ee qaniga ku ah macdanta iyo Batroolka, iyadoo shirkadaha soo saarana ay indhaha si gaar ah ugu hayaan inay maal gashiyo ku samaystaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor