Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fei Shengchao, waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo.

Intii lagu guda jiray kulanka , waxaa looga hadlay sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo dardargelinta dhinac weliba si loo gaaro danaha guud iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee taabanayay danaha guud ee labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor