Soomaaliya iyo Masar oo wada-hadal ka yeeshay xiriirka labada Dal

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ee uu hoggaaminayay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa loogaga wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba.

Sidoo kale kulan u dhexeeyay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Masar ayaa falanqeeyay xaaladaha guud ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maalintii Axadda aheyd waxaa uu qaabilay Wafdiga Masar ee ka qeybgalayay Madasha wax wadaagga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee lagu marti-qaado qaar ka mid ah Beesha Caalamka.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa kala hadlay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika xoojinta xiriirka iyo weyneynta danaha si loo gaaro iskaashi sal ballaaran oo ku sal go’an nacfi is-dhaafsi iyo guul wadaagid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media