Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay waajibaadka CIidamada AMISOM iyo Arrimo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya,Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Siihayaha Safaaradda Jabuuti ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay, waxaana ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee walaalaha iyo deriska ah,

waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo ka wada-shaqaynta danaha qaran ee labada dal iyo labada dad.