Soomaaliya iyo dalal kale oo lagu daray Liiska Cas ee Ingiriiska + sababta

Dowladda Britain ayaa waxay sheegtay in Muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka Somalia, Ethiopia, Oman iyo Qatar lagu daray Liiska Cas ee England’s red List, si dalka looga badbaadiyo nooca kala duwan ee Coronavirus (COVID 19).

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 4-ta subaxnimo (04:00 am) ee maalinta Jimcaha soo socoto (March 19th)  in Booqadayaashaasi ka soo dhoofay ama si Transit ah ku soo maray dalalka Somalia, Ethiopia, Oman iyo Qatar 10-kii maalmood ee ugu dambeeyey in loo diidi doono inay soo galaan England.

Balse, Muwaadiniinta keliya ee haysta Dhalashada UK iyo Irish (Only British and Irish citizens) ama kuwa haysta Xaqa Deganaanshaha oo ay ku jiraan kuwa haysta Fiisaha muddada dheer (long-term visa holders) loo oggolaan doono inay gudaha u soo galaan UK, waxaana waajib ku ah inay muddo 10-maalmood  ku nagaadaan Xarun ay Dowladda ansixisay ama xaqiijisay.

Muddada ay halkaasi joogaan, waxaa laga doonayaan inay maraan baaritaanka Coronavis ee maalinta 2-aad iyo maalinta 8-aad (A coronavirus test on day 2 and day 8).

Qoraalka Dowladda Britain waxaa kaloo lagu muujiyey in Muwaadiniinta British ee haatan ku sugan dalalka lagu daro Liiska Cas waxay adeegsan karaan fursadaha ganacsi ee jira, haddii ay doonayaan inay ku soo laabtaan England, iyagoo adeegsanaya wadiiqooyinka ganacsi ee u suurtogelin kara Muwaadiniinta UK , Irish iyo Dadka haysta Deganaanshaha inay ku soo laabtaan England.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Haji.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor