Soomaali ku geeriyootay Dab ka kacay guri ku yaalla Maraykanka

Dad ay ku jiraan Soomaali ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dab xooggan oo ka kacay dhismo ku yaalla dalka Maraykanka,Dabka oo ka kacay dabaqa 14-aad oo ay deganaayeen dad u badan Soomaali ayaa waxaa la sheegay in uu ka koobnaa 25-biyaano.

Soomaalida ku nool xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka mareykanka oo u gurmaday ayaa sheegay in qiiq iyo olol uu is qabsaday isla markaana aysan garanayn waxa sababay dabkaas ka kacay dhismahaas.

5-ruux oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku Geeriyootay 4 kalana ay  ku dhaawacmeen kaddib markii dabku uu sii xoogaystay gaadiidka dab damiska ayaana ka qeyb qaadanayay la tacaalidda xaaladdaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media