Somaliland oo War kasoo saartay Shirkii Somalia iyo Beesha Caalamka

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shirkii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo shalay ka dhacay Garoonka Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in maamulkooda aysan waxba ka khuseynin shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isla markaana uu gaar ahaa labada dhinac loona qabtay Soomaalida.

Waxaa uu sheegay Wasiir Yaasiin Faratoon in marnaba Somaliland aysan gorgortan ka geli doonin madax-banaanideeda, ayna xaq u leeyihiin in la siiyo aqoonsi caalami ah, wuxuna caddeeyay aysan khuseynin shirarka loo qabto Soomaalida.

“Marna Somaliland ka gorgortami meyso madax banaanideeda waa dal jira oo leh nidaam dawladinimo, Calan uu ku qoran yahay tawxiidka ALLE, Madaxweyne Shacabkiisu si xor ah u doorteen iyo heyadddo dowladeed oo dhameystiran” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayuu tilmaamay inay wadaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan aqoonsi Caalami ah, isagoo xusay inay arrintaasna ku rajo weyn yihiin.

“Waxaanu ugu baaqeynaa Beesha caalamka inay tixgeliyaan rabitaanka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskama iman ee shacabkaa u codeeyey” ayuu yiri sii raacsiiyay hadlkiisa Wasiir Faratoon.

Si kastaba hadalka Somaliland ayaa waxaa kusoo aadaya, iyadoo shalay la qabtay Shirka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo loo hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Soomaaliya sigaar ah Arrimaha doorashooyinka ee dalka ka dhacaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media