Somaliland oo War kasoo saartay dilka Guddoomiyihii Guddiga Doorashada ee Sool

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolkaas Cabdullaahi Maxamed Shire Laba-gole.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa tacsi u diray qoyskii, Asxaabtiis, shacabka Gobolka iyo Kommishinka doorashooyinka ee uu ka baxay Guddoomiye Laba-gole oo ay toogteen dabley hubeysan.

Guddoomiye Cabdiqani Jiidhe ayaa faray laamaha amniga Magaalada Laascaanood iyo kuwa Gobolka inay baaraan kiiska, isla markaana gacanta lagu soo dhigo adkii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Sool.

“Qoyskiisa, Asxaabtiisa, shacabka Gobolka, Kommishinka Doorashooyinka heer Gobol & heer Qaran iyo Qaranka Somaliland ayaan dhammaantood aan uga tacsiyadaynayaa. Geeridu waa xaq, waxaanse farayaa laamaha ammaanku inay baadhitaan & heeggan u galaan sidii loo heli caddaalladana loo horgayn lahaa dhagar qabayaasha shir qoolkan gaystay” ayuu yiri Guddoomiye Jiidhe.

Weli si dhab ah looma oga sababta keentay dilkii dabley hubeysan xalay gudaha Magaalada Laascaanood ugu geysatay Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shire Laba-gole oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Sool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor