Somaliland oo soo saartay Digniin ku socota Maamulada Isbitaalada

Wasaaradda Caafimaad maamulka Somaliland ayaa soo saartay Digniin ku socota maamulada Isbitaalada sida gaarka loo leeyahay ee ku yaalla deegaanada uu gacanta ku haayo maamulkaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in Isbitaalada ay lagcag ka qaadan Meydadka la geliyo Firinjeerada qaboojiyeyaasha ee yaalla Xarumaha Caafimaad.

Sidoo kale Agaasime Xergeeye ayaa maamulada Isbitaalada uga digay inay lacag laga qaado dadka ku jira ama la geliyo Firinjeerada qaboojiyeyaasha, wuxuuna xusay in Wasaaradda Caafimaadka ay bixineyso lagacta dadka laga rabo Meydadka.

“talaagada Maydka looma isticmaali karo wax lacag ah ee ay tahay lacag la’aan wixii ku baxaaya ay bixinayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka , lacaga laga qadaayo qofku ma jirto hadday horey u dhacdayna waa khalad” ayuu yiri Agaasime Xergeeye.

Si kastaba hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan maamulka Isbitaalka Magaalada Barco la sheegay inay lacag ku xireen Meydka haweeney la doonayay in la geliyo Firinjeer.