Somaliland Oo Si kulul Uga Hadashay Hadalkii Danjire C/raxmaan Guulwade

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay waxa ay si kulul uga hadleen hadalkii kasoo yeeray Danjire Cabdiraxmaan Guulwade oo ka mid ahaa guddi uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay wadahadalada Soomaaliland iyo dhowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland ayaa xusay in uu shacabka Somaliland uga tacsiyaynayo hadalka kasoo baxay Danjire Cabdiraxmaan Guulwade oo ka mid ahaa saraakiishii kacaankii Siyaad Barresida uu hadlka u dhigay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa intaa ku daray in ay aad uga xunyihiin hadalka kasoo yeeray Guulwade isaga oo cadeeyay in uu si adag u cambaaraynayo kana raaligelinayo shacabka.

Danjire Guulwade ayaa waxaa uu sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii aheyd ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland,isaga oo difaacay go’aankaas.

Dhinaca kalana War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyaa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Guulwade laga aqbalay Is-Casilaadiisa Xubinnimada Guddiga Wadahadallada DFS iyo Somaliland, isla markaana Madaxtooyadda ay ka xun tahay Wareysiga uu bixyay Dajiraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media