Somaliland oo shaacisay Kiisas Cusub oo ah Cudurka Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa Goordhow shaacisay in Dad Cusub oo qaba Cudurka halist ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan maamulkooda, kuwaasi oo la geeyay Xarumo dadka lagu karantiilo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus laga helay Saddex ruux oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar Caabdullaahi in laba ruux  ay ku sugan yihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halka kan kalena uu ku sugan yahay Magaalada Boorama.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in saddexda ruux la geeyay Xarumaha loogu talagalay in dadka lagu karantiilo, isla markaana xaaladooda Caafimaad haatan lala tacaalayo.

Si kastaba Tirada guud ee Somaliland laga helay Cudurka halsita ah ee Coronavirus waa 5 qof

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media