Somaliland oo shaacisay inay sii kordheyso Tirada dadka u dhimanaya COVID-19

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta oo kulankii 80-aad oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uuna  ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa ku qabsoomay habka fogaan aragga ah ee aalada ZOOM-ka.

Kulanka ayaa ugu horreeyn waxaa warbixin looga dhagaystay Guddoomiyaha Guddiga  heer Maamul ee COVID oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Ceylici, waxaanu faahfaahin ka bixiyey xaalada Covid-19, isagoo xusay in saddexdii bilood ee u dembeeyey ay sii kordhayaan dhimashada dadka xanuunku ku dhacayo, iyada lixdii cisho ee u dembeeyey ay u geeriyoodeen 28 qof.

Goluhu waxaa uu dood dheer ka yeeshay dhibaatada iyo muranka ka jira dhulka miyi iyo magaalaba sida dhul-daaqsimeedyada la boobayo iyo Xoolihii dhaqaalaha laf-dhabarta u ahaa oo yaraanaya markii daaqii laga xiray .

Waxa kale oo goluhu ku dheeraaday inuu Dastuurku qeexayo Khayraadka dhulka, Dhulka Buuraha ah iyo badda inay masuul ka yahay Maamulka, balse shacabka qaarkood aanay akhriyin dastuurka, waxaana lagama-maarmaan ah in dhammaan muwaadiniintu fahmaan muhiimada uu leeyahay in shuruucda dhulka la dhawro.

Ugu danbayn, Goluhu ayaa war-bixin ka dhagaystay Weftigii Wasiirrada ahaa ee hawl-galka nabadgelyada la xiriira u joogay Gobolka Sool, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen xubnaha golaha wasiiradu hawlaha u qabsoomay illaa hadda, hawlgalkii nabadgelyaduna si fiican ugu socdo, inta u hartayna ay dhammaystiri doonaan, Goluhuna waxa uu ku boggaadiyey hawlaha xoojinta amniga Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor