Somaliland oo Shaacisay Goorta la aasayo  Marxuum Cumar Carte

Iyadoo Maadxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Guddi u saaray aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carta Qaalib ayaa waxa la shaaciyay waqtiga la aasay Marxuumka iyi goobta lagu aasayo.

Guddiga oo Xalay kulan yeeshay ayaa sheegay in Marxuumka la aasay saaka 10:00 Subaxnimo, waxaana lagu aasi doonaa sida ay Guddigu sheegeen Xabaalaha Baqiic ee ku yaalla Magaalada hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Suleymaan Yuusuf Koore ayaa sheegay in aaska Marxuumka ay kasoo qayb gali doonaan mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Muuse Biixi cabdi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa warqad uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Guddi ka shaqayn doona sidii aas loogu sameyn lahaa marxuum Cumar Carta Qaalib oo Magaalada Hargeysa ku geeriyooday, waxaana madaxweynuhu faray guddiga xil dheeraad ah iska saaraan aaska Marxuumka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media